Lisbon (Portugal), 23/08/2020.- Philippe Coutinho of Bayern celebrates with the trophy after winning the UEFA Champions League final between Paris Saint-Germain and Bayern Munich in Lisbon, Portugal, 23 August 2020. Bayern won 1-0. (Liga de Campeones, Lisboa) EFE/EPA/Manu Fernandez / POOL

Arsenal Oo Ku Guuldareysatay Saxiixa Philippe Coutinho Iyo Sababta Oo La Ogaaday

Philippe Coutinho ayaa u muuqda mid sii joogaya Barcelona isagoo door cusub ka helaya tababare Ronald Koeman taasoo soo gabagabeyneysa rajadii ay saxiixiisa ka qabtay kooxda Arsenal.
Tababaraha cusub Koeman ayaa u sheegay kooxda inuu doonayo inuu ceshto xiddiga reer Brazil kaasoo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay amaah ku joogay Bayern Munich ka dib markii uu boos ka waayay Barcelona.
Coutinho oo 28 sanno jir ah ayaa ka dhaliyay Barcelona labo gool kulankii ay Bayern Munich 8-2 ku xasuuqday Barcelona ee keentay in la ceyriyo tababare Quique Setien.
Advertisements
Waxay u muuqataa inay taasi ka dhaadhicisay tababare Koeman in xiddigii hore ee Liverpool uu mustaqbal ku leeyahay kooxda.
Xasuuqii Bayern Munich iyo guuldaradii koobka La Liga ee ka soo gaartay Real Madrid ayaa keentay in Barcelona ayaa dib u dhis xoogan gasho xagaagan.
Luis Suarez iyo Arturo Vidal ayaa la hubaa inay baxayaan halka Lionel Messi lagu qasbay inuu joogo inkastoo uu dalbaday in la fasaxo.
Arsenal ayaa rajeyneysa inay Coutinho la soo wareegaan xagaagan iyagoo doonayay inay heshiis amaah ah kula soo wareegaan.
Xaqiiqdii, wararka soo baxayay ayaa soo jeedinayay in Coutinho uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Premier League ka dhisan.
Laakiin haatan waxay u muuqataa in kooxda Catalans ay iibin doonto Coutinho kaliya haddii ay dalab qaali ah u helaan taasoo aysan awoodin kooxda Gunners.
Bayern Munich ayaa fursad u heysatay inay heshiiska amaahda u bedesho mid joogta ah laakiin waxay go’aansadeen inaysan la wareegin.
Isagoo ka hadlayay ku soo laabashadiisa kooxda, Coutinho ayaa yiri: “Haatan waxaan ku laabanayaa Barcelona, waxaan doonayaa inaan si adag u shaqeeyo oo aan ku riyaaqo sannad weyn.”