Arrimo Xoojiya Xusuusta & Garaadka Qofka
Dad badan ayaa ay la tahay in dhisidda awoodda xusuuseed iyo garasho ee maskaxdu ay ku xidhantahay uun bilowga koritaanka carruurnimo ama dhalinyaronimo ee qofka, laakiin waxa uu cilmigu inoo caddaynayaa in fikirkaasi uu qaldan yahay. Qof kastaa da’ uu yahayba waa uu leeyahay awooddaas, haddii uu ka dheeraado sababo saamayn ku yeesha awoodda masakaxdu u leedahay fiirsiga, baraarugsanaanta iyo xusuusta.
Sababaha dilaaga ku ah xusuusta iyo guud ahaan awoodda garasho ee maskaxdana waxaa ka mid ah; hurdo yaraanta, shaqooyin kala duwan oo qofku mar isku dhex furo, ku talaxtagga cunista dawooyinka aanu dhakhtarku qorin iyo culayska shaqo oo qofka ku bata.
Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in dadku marka ay weynaadaan da’ ahaan ay weli awood u leeyihiin in ay maskaxdooda u sameeyaan shabakado neerfeed, taas oo marka ay dhacdo caawinaysa in xusuustu fiicnaato iyo in ay maskaxdu ka adkaato dhibaatooyinka ka soo gaadha gabowga.
Haddaba waxa aynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah hababka xusuusta lagu xoojin karo oo qofku samayn karo da’ kasta oo uu yahay.
Iska jir in aad dhowr shaqo mar isku dhex furto: In kasta oo ay dunida maanta caan ka noqotay in qofku isaga oo waqtiga la baratamaya awgeed dhowr shaqo isku dhex furo, haddana waxaa la aaminsan yahay in taasi ay dib u dhac, daal, qaladaad iyo illow keento. Daraasado arrintaas la xidhiidha oo la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in maskaxda bani’aadamku ay u baahan tahay siddeed ilbidhiqsi oo ay ku adkayso xogta loo dhiibay, sidaa awgeed haddii aad talefan ku hadlayso, hawlo kalana waddo, isla markaana furaha gaadhiga meel saarto, waxa ay ugu dhowdahay in aanad xasuusan halkii aad furahaas saartay, waayo maskaxdu ma’ay helin waqtigii ay u baahnayd in ay xafiddo xusuustaas, oo hawlahaaga kale ayaa ay ku mashquulsanayd.
Ciyaaraha iyo xeeladaha garaadka lagu cabbiro: Tijaabi in aad ku ciyaarto ciyaaraha iyo xeeladaha kala duwan ee garaadka ka shaqaysiiya, ciyaarahan iyo xeeladahan oo in badan iyaga oo aan lacag lagaa rabin laga heli karo internet ka ayaa ay xeeldheereyaashu tilmaameen in ay wanaajiyaan xusuusta iyo awoodda garaadka qofka, waxa aanay ku taliyeen in aan la dhayalsan, gaar ahaan ciyaarta lagu magacaabo ‘Sudoku’ oo ah shaxda la buuxiyo ama la isku beego ereyada ama tirooyinka isku habboon.
Xafidista iyo xasuusashada: Naftaada ku tababar in ay dusha ka xafiddo lambarrada talefannada, kadibna marka dambe aanad lambarka baadhin ee aad ku dadaasho in aad xasuusato, haddii lambarku dheeryahay baro hababka xafidista kaa caawin kara oo hormo-hormaynta tiradu ka mid tahay.
Xirfado cusub baro: Ku dadaal in aad barato xirfadaha cusub iyo waxyaabaha fanka ah, sida ciyaarta shaxda, hababka cunto karinta iwm, ee qabashadoodu u baahan tahay in aad isticmaasho dareemeyaal ka badan mid. Waxa ay kaa caawinaysaa in habdhiska neerfuhu firfircoonaado awoodna u yeesho ka hortagga calaamadaha gabowga iyo in caafimaadkoodu si guud u fiicnado. Waxa kale oo ay si gaar ah u xoojinaysaa xusuusta.
Adeegso xusuusta aragtida ah: Inta badan xusuusta waxa aad aragtay ayaa ka xoog weyn xusuusta waxa aad maqashay, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu ku dadaalo in waxa uu xusuustiisa doonayo aanu maqal ku koobin ee uu sida oo kale arko, tusaale ahaan daawo sawirrada munaasabadda aad doonayso in aad xasuusato ama dhacdooyinka kale ee noloshaada, cilmiga aad dhegeysatana ku dadaal in aad aragti akhris ah ku xoojiso si aanad u illaawin.
Nidaamin: Khubarada cilmi nafsigu waxa ay xaqiijiyeen in fawdada iyo isku dhex daadsanaantu ay maskaxda ku abuurto baahsanaan iyo in xusuustu ku adkaato, sidaa awgeed waxa ay ku talinayaan in qofku uu ku dadaalo in dhammaan dhinacyada noloshiisu ay noqdaan kuwo nidaamksan. Waxa ay xoojinaysaa xusuustiisa.
Ka faa’iidaysiga dareenka (Caadifadda):
Qiiirada iyo arrimaha dareenka qofka taabtaa inta badan waxa ay ku xidhiidhsan yihiin xusuusta. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu xoojiyo xidhiidhka uu dadka ku xeeran la yahay, gaar ahaan in uu ka aghdowaado shucuurta asxaabtiisa, ehelkiisa iyo dadkuu jecel yahay, waxa ay ku taliyaan in qofku uu xusuustiisa dib ugu soo celiyo saacadihii iyo maalmihii dareenka lahaa ee soo maray, sida maalintii ugu horreysay ee uu ballan jacayl yeesho iwm.
U fiirsiga: Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in 20 daqiiqo oo uu qofku maalin kasta afar jeer kelidii maskaxda la shawro isaga oo shaqada iyo hawlaha kale oo dhan faraha ka qaadaya oo maskaxda fikirkeeda u sii deynayaa ay wanaajiso shaqada maskaxda ee dhinaca tarashada.
Qoraalka: In xusuusqor qofku yeesho, oo uu weliba ku dadaalo in aanu kombiyuutarka isticmaalin ee uu qalin iyo warqad adeegsadaa waxa ay xoojisaa xusuustiisa. Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in qofku marka uu qalinka iyo warqadda wax ku qorayo ay maskaxdu isticmaasho dhowr dareeme oo kala duwan, sida gacanta iyo indhaha taasina ay ka mdi tahay arrimaha xusuusta xoojiya.
La sheekaysiga nafta: Waxaa suurtagal ah in ay imika kuugu horreyso cid isla hadlidda faa’iido ku sheegaysa. Laakiin waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in qofka oo isla hadla ‘Naftiisa la sheekaystaa ay tahay calaamad muujinaysa isku day waxbarasho iyo fahamka waxa cusub, waxa aanay inta badan helaan ama fahmaan wax ka badan waxa dadka aan isla hadal fahmaan, waana sababta ay uga dhow yihiin guusha ama uga guul badan yihiin.
Cuntada caafimaadka qabta: Cuntada caafimaadka qabtaa waxa ay qofka u leedahay faa’iidooyin caafimaad oo isugu jira kuwo jidheed iyo kuwo nafsi ah labadaba. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu cuno khudradda noocyadeeda kala duwan, kalluunka gaar ahaan Salamoonka, Lawska iyo cuntooyinka kale ee lagu yaqaanno asiidhka duxda leh ee Omega3.
Hurdo fiican: Hurdo fiican oo uu qofku helaa waxa ay kaalin weyn ka qaadataa caafimaadka maskaxda, waxa aanay xoojisaa xusuusta. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu helo hurdo u dhexeysa 7 illaa 9 saac maalin kasta.
Jimicsiga: Xarakaadka jidhka iyo jimicsigu waxa ay caawiyaan in ay korodho burqashada dhiigga ku wareegaya jidhka, taasina ay fududayso in uu jidhka wada gaadho. Wareegga dhiigga oo si fiican u gaadha maskaxduna waxa uu wanaajiyaa caafimaadkeeda, waxa uu dardargeliyaa shaqadeeda waxa aanu xoojiyaa xusuusteeda.
Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in jidhku xilliga jimicsiga uu soo daayo maaddooyin kiimikaad oo neerfeyaasha quudiya oo ka faa’iida in ay shaqadooda kordhiyaan.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
Facebook: Marjaan Media