Dowladda Armenia ayaa waxa ay soo tabisay in dagaalkii lixda todobaad socday ee ay sanadkii hore la gashay Azerbaijan ay uga dhinteen dad ka badan kuwii markii hore ay qiratay.

Wasaaradda caafimaadka ee Armenia ayaa sheegtay inay baaritaan caafimaad ku samaysay in ka badan 3300 oo mayd oo laga keenay jiidda ay ka socotay colaadda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Qaar ka mid dadkaas ayaa la rumaysan yahay inay yihiin dad rayid ah.

Colaaddii dhex martay waddamada Armeeniya iyo Azerbaijan ee ku saabsanayd lahaanshaha gobolka uu muranka inta badan ka taagnaa ee Nagorno – Karabakh ayaa soo billowday dhammaadkii bishii September ee sanadkiitagay.

Colaaddaasi oo bishii Nofeembar lagu soo af-jaray heshiis uu garwadeen ka ahaa dalka Ruushka ayaa Armeeniya dhul badan looga qabsaday, waxaana jirtay in labada dhinacba ay ciidamo badan oo kumannaan gaaraya ay kaga dhinteen colaaddaasi.

Putin iyo Pashinyan
Qoraalka sawirka,Putin iyo Pashinyan

Balse ilaa haatan tirada rasmiga ah ee ciidamada Armeeniya kaga dhintay colaaddaasi lama ogayn.

Wasaarada caafimaadka Armeeniya ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameysay meydadka in kabadan 3,300 oo qof oo ku dhintay colaaddaasi .

Ilaa iyo haatan ma kala cadda in meydadkaas ay yihiin ciidan ama dad rayid ah.

Balse hadalkan wasaaradda ayaa ka dhigan in dowladdu ay qiratay jabkii ka soo gaaray dagaalkaasi oo dad badan oo reer Armeeniya ah ay waji-gabax kala kulmeen.

Dagaalka ka dib, waxaa dalkaasi Armeeniya ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, gaar ahaanna ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Nikol Pashinyan, kaas oo markii dambe iska-dhega-triay wakhti kama dambays ah oo ay dibadbaxayaasha u qabteen in uu xilka uga dego.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay aheyd inuu dadka latashto ka hor inta uusan ogolaan heshiiska nabadeed, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka. sida uu ku soo warramaya weriyaha BBCda uga soo warrama magaalada Yerevan.

Mr Pahinyan ayaa waxa uu xilka la wareegay kaddib markii uu 2018-kii hogaamiyay kacaankii ugu horreeyay ee dalkaas ka dhashay kaddib dowladdii xigtay nidaamkii Soofiyeetka.

Heshiiska uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigay in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay.

Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay.

.

Ra’iisul wasaaraha Armenia oo sheegay inuu qaatay go’aan “xanuun badan” kaddib markii uu “si qoto dheer uu u darsay xaaladda milateri” markaasna uu ogolaaday heshiiska, iyadoo uu sidaa ku wareejiyay saddex deegaan oo Karabakh daris la ah.

Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa ka dhashay muranka ku aadan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh kaas oo bilowday horraantii sagaashamaadkii.

Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday.

Nagorno-Karabakh waa gobol dhaca dalka Azerbaijan, waxaana inta badan ku nool shacab kasoo jeedo Armenia oo taageera ka hela dhinaca Armenia.

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh

  • Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran.
  • Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda.
  • Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan.
  • Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan.
  • Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan.
  • Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan.
  • Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii.
  • Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan.
  • Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya.