Labo arday oo jaamacad dhigta ayaa la xidhay kaddib markii lagu eedeeyay inay jabsadeen banki ku yaalla Kenya, iyagoo ka dhacay malaayiin shilinka Kenya ah, sida uu shaaciyay wargeyska Daily Nation.

Ardaydan oo dhigta kulilayadda Beeraha iyo Teknolojiyadda ee Jaamacadda Jomo Kenyatta, oo ku taalla bannaanka magaalada Nairobi, ayaa lagu eedeeyay inay xadeen 24 milyan oo shilin ($220,000) iyagoo sidoo kale doonayay inay dhacaan 190 milyan oo kale.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday bishii la soo dhaafay.

Antony Mwangi Ngige, oo 23 jir ah, iyo Ann Wambui Nyoike, oo 21 jir ah, ayaa beeniyay eedeymaha.