Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalla degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool waxaa ay shalay gelinkii dambe xukun dil ah ku fuliyeen nin oday ah oo lagu eedeeyay inuu ku shaqeysan jiray sixirka.

Isxaaq Xasan Daa’uud oo 70 sana jir ahaa ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu dadka kala geyn jiray qaarkoodna uu isku keeni jiray, isaga oo adeegsanaya sixir.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, isla markaana muddo 20 sano ah uu ku shaqeysan jiray sixirka.

Halka ay toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka ku nool degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay ku shaqeystaan sixirka.