AKHRISO: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Isku-aadka Wareegga 16ka Champions League Ee Maanta La Samaynayo

Isku-aadka wareegga 16ka tartanka Champions League ayaa la samayn doonaa maanta, waxaana qori-tuur nasiib ah loo samayn doonaa kooxaha iskugu soo baxay hormadan oo la iskugu aaddin doono min laba.
Ingiriiska ayaa saddex kooxood ku yeeshay naadiyada usoo gudbay wareeggan ee qori-tuurka loo samaynayo, waxaana ka baxday Manchester United oo iyadu nasiibkeeda ka qaadaya isku-aadka tartanka Europa League.
Waddanka Spain ayay usoo baxeen dhamaan afartii kooxood, waxaanay saddex ka mid ahi kusoo baxeen kaalmaha labaad, halka ay Real Madrid kusoo boodday kaalinta koowaad oo ay noqon doonto naadiyada lagu daba-faylayo.
Advertisements
Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League?
Isku-aadka wareegga 16ka tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxa la samaynayaa Isniinta maanta marka ay
Saacadda Geeska Afrika tahay 2pm (2bada galabnimo), iyadoo xaflad lagu qaban doono xarunta guud ee UEFA ee magaalada Nyon ee waddanka Switzerland.
Sidee ayuu u shaqeeyaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League?
Laba dhalo ayay ku kala jiraan kooxaha isku-aadka loo samaynayo, waxaanay naadiyadii kusoo baxay kaalmaha koowaad ku jiraan dhalada 1aad, halka ay kaalmaha labaadna ku jiraan quraaradda 2aad.
Koox kasta oo laga soo bixiyo Pot 1, waxa naadiga ay ku beegmayso looga dooni doonaa Por 2 oo gacanta loo gelin doono waxa nasiibkeeda uga soo baxana la wada arki doono.
Kooxaha ku jira Pot 1, waxa garoomadooda lagu ciyaari doonaa lugta labaad iyadoo ciyaarta koowaadna ay marti noqon doonaan.
Kooxahee usoo baxay wareegga 16ka tartanka Champions League?
Usbuucii hore ayay dhamaystirmeen 16ka kooxood ee usoo baxay wareeggan, iyadoo Arbacadii lasoo gunaanaday marxaladdii group-yada. Atalanta, Atletico Madrid, Borussia Monchengladbach iyo Real Madrid ayaa ahaa afartii kooxood ee usbuucii ugu dambeeyey tigidhka usoo goostay wareegga 16ka.
Waxay ku biireen oo hore usoo gudbay Barcelona, Bayern Munich, Borussia Dortmund, Chelsea, Juventus, Lazio, RB Leipzig, Liverpool, Manchester City, Paris Saint-Germain, FC Porto iyo Sevilla.
Sidee ayay dhalooyinka ugu kala jiraan kooxuhu?
Pot 1: Kooxihii kaalmaha 1aad kaga soo baxay hormooyinkooda:
Bayern Munich (GER)
Borussia Dortmund (GER)
Chelsea (ENG)
Juventus (ITA)
Liverpool (ENG)
Manchester City (ENG)
Paris Saint-Germain (FRA)
Real Madrid (ESP)
Pot 2: Kooxihii kaalmaha labaad kaga soo baxay hormooyinkooda
Atalanta (ITA)
Atlético Madrid (ESP)
Barcelona (ESP)
Borussia Mönchengladbach (GER)
Lazio (ITA)
RB Leipzig (GER)
Porto (POR)
Sevilla (ESP)
Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga 16ka Champions League?
Lugta hore ee wareegga 16ka, waxay kooxuhu ciyaari doonaan sannadka cusub ee 2021 inta u dhaxaysa February 16, 17, 23 iyo 23-ka, halka kulamada labaadna waxa la dheeli doonaa inta u dhaxaysa March 9, 10, 16, iyo 17.
Isku-aadka Europa League:
Waxa kale oo maanta la samayn doonaa isku-aadka wareegga 32ka ee tartanka Europa League oo ay sannadkan ka qayb-gelayaan kooxo waaweyn oo kasoo dhacay Champions League.

XG: Laacib