Baamiyaha ayaa waxa uu kamid yahay khudaarta sida fudud loo heli karo isla markaana lagu macaaneeyo cuntooyinka kala duwan ee aynu quudanno, isaga oo faaidooyin ballaadhan u leh guud ahaan jidhka qofka, hadaba faaidooyinka uu leeyahay geedka baamiyaha waxa kamid ah:

  1. La dagaallanka cudurka macaanka Sonkoroowga: Geedkani cajiibka ahi waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka, isaga oo unugyada uu ka kooban yahay ka shaqeeyaan sidii saamiga sonkorta ee uu u baahnyahay dhiiga qofku isu dheelli tira.
  2. Tamarta:
    Cilmi baadhis badan oo lagu sameeyay baamiyaha ayaa waxa lagu ogaaday in waxyaabaha uu ka koobanyahay ay ku jiraan laba nooc oo loo yaqaan afka ingiriisiga (Antioxidants), kuwaasi oo kor u qaada heerka (Glycogen) ta beerka, waana shiidaalka uu u baahan yahay jidhku in uu ku shaqeeyo si awood iyo firfircooni ku lamaantahay.
  3. Hoos u dhigidda Cholesterol-ka:
    Baamiyuhu wuxuu gacan wayn ka gaystaa hoos u dhigitaanka dufanka dhiigga ee loo yaaqaan kolesteroolka iyo xaydha beerka fadiisata.
  4. Caafimaadka dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u fiican yahay dheefshiidka, wuxuu jilciyaa caloosha, mindhicirradane wuxuu ku caawiyaa qashin-saarka, sidoo kale baabasiirka ayuu ka hortagaa.
  5. Ka hortaga cudurrada ku dhaca beerka:
    daraasado badan oo la sameeyay waxa lagu ogaaday in cunista baamiyaga ay ka hortagto cudurrada ku dhaca beerka iyo maskaxda.
  6. Caafimaadka Uurka: Hooyooyinka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la dhaho Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uurjiifka, kana hortagto inuu ku dhasho iin hadii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaah waxaa ka buuxo maadada “Folate”, waxaana lagula taliyaa hooyooyinka uurka leh inay badsadaan baamiyaha si ay uga helaan fitamiinno ku filan korriinka uurjiifka.