Faafista Qarsoodiga Ah Ee Asalka U Ah Cudurrada Soo Jiitama Iyo Sida Loola Dagaalamo (WT: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)
Qaybta: Koowaad
Cutubka: Koowaad
Waa maxay Isuliin Caabbintu?
Isuliin caabbisku waa xanuun ay suurto gal tahay in aanad weligaa maqal, waana suurto in aynaan aqoon durugsan u lahayn oo aynnaan ka war-qabin jiritaankiisa, waana wax iska caadi ah tani oo adduunka oo dhan ayay ka jirtaa ka war hayn la’aanta xanuunkani, balse celcelis ahaan kala badh dadka waayeelka ah ee k u dhaqan waddanka Maraykanka ama saddexdii qof ee kasta ee Reer-marykan ah ah ayaa lagu ogaaday in uu mid ka mid ah hayo insulin caabbisku .
Si kastaba ha ahaatee, waxa tirada dadkan uu hayo insuliin caabbisku ay kor u dhaaftay boqolkiiba sideed iyo sideetan ka mid ah dadka qaan-gaandhka ah ee waddankaas aynnu kor ku xusnay. Waxa khalkhal gelin iska leh sida uu adduunka ugu faafi doonto mustaqbalka, hase ahaate, waxa aan la filaynin in uu dhibku ku koobnaado isla Maraykanka oo keli ah maxaa yeelay marka aynnu eegno isbeddelada adduunka ku socda, way sii xumaanysaa xaaladda xanuunkani marba marka ka sii dambeysa .
Sidoo kale, boqolkiiba sideetan dadka la nool insuliin caabbisku waxa ay ku dhaqan yihiin waddamada soo koraya. Hindiya iyo Shiinaha ayaa kala badh dadkooda waayeelka ahi ay la nool yihiin insuliin caabiska. Laakiin, waxa aad ogaataa in aanay tani ahayn isbeddel hor leh ama xaalad imika uun ku soo booddo ah , balse ay tahay xaalad soo jireen ah . Marka loo eego warbixin ay soo saareen ururka caalamiga ah ee u middoobay macaanku, tirada dadka la nool isuliin caabbisku aad ayay u sii kordhaysey soddonkii sanno ee ugu dambeeyay waxaana laga yaabaa in ay sii jibaarmato muddo ka yar labaataneeyoda sanno ee inagu soo foolka leh. Insuliin caabbisku mar buu ahaa xanuunka barwaaqada ( waxa aynnu ugu yeedhi karnaa “ daacuunkii barwaaqada”) ama si aan sidan ka fogeyn wuxuu ahaa xaalad saamaysa dadka waaweyn oo keli ah.
Si kastaba ha ahaatee, dhowaanahan wuu isbedelay waxaana la sheegayaa in carruur afar jir ahi ay leeyihiin insuliin caabbiska (illaa 10% ka mid ah carruurta waqooyiga Ameerika way leeyihiin insulin caabbiska) . Waddamada saboolka ah ayaa tirro ahaan ugu badan dadka la nool xanuunkan. Gebi ahaanba dadkaaas buux dhaafay ee leh xanuunkani ma oga in ay leeyihiin xanuunkan, sidoo kale weligood may maqlin cid lagu sheegay xitaa , sidaas awgeed marka la isku dayo in la dabar jaro xanuunkan dunida faraha ba’an ku haya, waxa inaga hor imanaya caqabado badan oo ay ugu horeyso in dadka la fahansiiyo xanuunkani waxa uu yahay asal ahaan, iyo sida uu xanuunka ku noqdayba .
Insuliin
Ka hor inta aynaan fahmin insuliin caabbiska, waxa muhiim ah in aynnu isla meel dhigno oo ka doodno insuliinta laf ahaanteeda. Dad badan ayaa u fahansan insulin in ay tahay dawo lagula tacaalo macaanka, balse xaqiiqo ahaan insluiin asalkeedu waa dheecaan uu ganacu u soo dhiiqo si dabiiciya (marka aynnaan lahayn macaanka nooca koowaad) Haddaba, sida dheecaanada kale ee jidhka oo kale insuliintu waa booratiin lagu dhex sameeyo jidhka gudihiisa, oo dhex qaaada dhiiggeena , oo saameeyaa qaybo ka mid ah xubnaha jidhkeena.
Doorka ugu muhiimsan ee ay insuliin jidhkeena ku leedahay waa in ay joogtayso heerka sonkorta dhiigga , maxaa yeelay marka aynnu cuntooyinka qaarkood cunno waxa kor u kacaya sonkorta dhiigga ku jirta , deedna ganaca ayaa soo dhiiqa dheecaankan , sidaas darteed waxa dib dhiigga looga saara sonkortii la socotay . Intaa waxa dheer, ka sekow joogteynta ay joogteyso sonkorta dhiigga, waxa ay saamayn ku leedahay unug kasta iyo nud kasta oo jidhkeena ka mid ah.
Dheecaanada kale ee jidhku soo dhiiqo waxa ay badi saameeyaan hal xubin ama illaa dhowr xubnood, balse insuliintu waxa ay saamaysaa unug kasta, saamaynteedu waxa ay ku xidhan tahay hadba unuga ay saamaynta ku leedahay. Tusaale ahaan , marka ay insuliintu ku dhegto beerka , waxa uu soo saaraa baruur (iyo waxyaabo kale ) marka ay muruq ku dhegtona waxa uu soo saaraa booratiin (iyo waxyaabo kale ) .
Ka soo bilow maskaxda illaa suulasha, insuliin waxa ay maamushaa sida ay unugyadu u isticmaalayaan tamarta , waxay bedeshaa oo qaabaysaa baaxada unugu lahaanayo , waxay saamaysaa soosaarista dheecaanada kale waxayna go’aamisaa in uu unugu sii noolaado iyo in uu dhinto labadaba . Si kastaba ha ahaatee, insuliin waa maado ka mid ah maadooyinka ka qayb qaata samaysanka maadooyinka kale ee jidku u baahan yahay, marka aynnu si cad u qeexno waa maado muhiim ah oo ay lagama maarmaan tahay in ay shaqayso , dhibaatooyinka aynnu halkan ku sheegayno oo dhamina waa marka aynna sidii loo baahnaa u shaqaynaynin maadadani , waana xaaladdan aynnu ku sheegnay insuliin caabbiska.
Insuliin Caabiska
Sida ugu fudud haddii aynnu u sheegno insuliin caabbisku waa marka ay yaraato jawaabta laga jawaabayo dheecaanka insuliin, si kale haddii aynnu u dhigno, waa marka uu unugu joojiyo in uu ka jawaabo insuulnta , waxaana keeni kara xaaladdo badan (dib ayaynnu ka sheegi ) . Sida caadiga ah , marka ay unugyo badan oo jidhka ka mid ahi noqadaan qaar insuliinta iska caabbinaya , jidhkana waxaa loo tix-geliyaa in uu yahay insuliin caabbi. Xaaladdani marka ay timaaddo, unugyo badani waxa ay u baahan yihiin in ka badan xaddigii caadiaga ahaa ee insuliinta , si ay u jawaabaan sidii ay horeba ugu jawaabi jireen.
Sidaas wasgeed, waxa la odhan karaa marka ay jirto insuliin caabbiintu waxa dhiigga ku jirta isnuliin ka badan intii hore ee jidhku ku shaqayn jirey, insuliintuna uma shaqaynayso sidii loo baahnaa. Sida aynnu kor ku soo xusnay , shaqada ugu muhiimsan ee insuliintu waa joogteynta sonkorta dhiigga ku jirta , maxaa yeelay haddii sonkor badan oo dhiigga la socotaa ay jirto waa xaalad aad u daran , xitaa awood ahaan ayay khatar ku tahay dhiigga , jidhkeenu wuxuu u baahan yahay in insuliintu dhiigga ka reebto sonkorta , si xaalad xasilooni ah loogu dabbaalo.
Laakiin, tolow maxay noqon kartaa haddii sockorta qudheeda lagu xakameeyo insulin caabbiska ? Tusaale ahaan maadaama insuliin badani dhiigga la socoto , haddii sonkor badan la qaato ,miyaanay is la falgalaynin ? . Sida insuliintu deegaanka ugu noqotahay gudhaha jidhka oo kale hanaankani wuxuu noqon karaa mid suurta geliya in ay iskaashadaan sonkorta iyo insuliintu , sidaas awgeedna sababi kara sonkor xad dhaaf ah oo dhiiga ku jirta , taasina waa calaamadda caalamiga ah ee lagu garto xanuunka macaanka. Si kastaba ha ahaatee , taasi ma aha xaalad ka soo rayn keenaysa , waanay ka sii kordhinaysaa khatarta macaanka .
Haddaba, waa in aynnu ogsoonaano oo nafaheena u sheegno in in uu jiri karo insulin caabbisku, tiiyoo aanu qofku qabin macaan. Insuliinta caaddi ahaan wuxuunoo loo tixgeliyaa ama lagu ladhaa in ay tahay keliya difaaca sonkorta lagaga hortaggo , tiyoo aan la eegaynin boqolaalka ama kumaankumka shaqo ee ay jidhka u hayso ee kale . Haseyeeshee , jidhku marka uu caafimaad qabo , heerka sonkorta dhiiga la socotaa waa mid ah intii caadiga ahayd, markaasna maadadan insuliin waxa ay u shaqaynaysaa sidii loo baahnaa.
Si ka duwan sidaas , marka uu insuliin caabbisku jiro , heerka insuliinta la soo dhiiqayo ee hawl galka ku jirtaa waa mid xad dhaaf ah oo ka badan intii xaaladdaha caadiga ah la soo dhiiqi jirey , ama waa in ka saami badan intii u dhigmi lahayd heerka sonkorta. Intaas waxa dheer , “mawduucan ” insulin caabbiska iyo macaanka , waxa aad si weyn u ogsoonaataa in ay laf dhabar u tahay sonkortu , laakiin uma jeedno way caawinaysaa ama wax ayay ka taraysa balse waa sababeeyaha ugu weyn ee dabada ka riixaya jiritaankooda.
Si kale haddii aynnu u dhigno, sonkortu waa astaanta ama calaamadda dhiig ee ugu weyn ee aynnu ku garano ama kula socono macaanka, laakiin marka kowwaadba waxa aad u muhiim ah in aynnu il gaar ah ku eegno heerka insuliinta jidhkeena. Maxaa aynnu mudnaanta u siinaynaa midkan dambe ? , Marka aynnu taariikhda dib u raacno iyo Sayniskaba , waxa aynnu mar walba dhaliilo xoogan u soo jeeddinaa sonkorta inaga oo ku eedaynaynna insuliin caabbsika iyo macaanka noociisa dhedigga ah ba .
Maxaa Si Aad Ah Diiradda Loogu Saaraa Sonkorta Ee Loogu Saari Waayey Insuliinta
Taariikh ahaan , horta sonkortu waxay ahayd ta keenta macanka dhedig , Insuliin caabiskana waxa laga soo dhex saaray bahda xanuunka sonkorowga, markii ugu horeysay ee la xaqiiqsaday bahdan xanuunkan sonokowogu waxa aya ahayd xilliyadii Masaaridii hore qiyaas ahaan ka hor saddex kun oo sanno (3000 oo Gu ) , waxaana lagu arkay qoraalo qadiimi ah oo ay ku xusayeen xaalad gaar ah oo dadku galaan taas oo yeelaneyaan kaadi badan .
Ka dib xilligoodaas , dhakhaatiir Hindiyaan ah ayaa u ukuur galay in dadka qaar ay kaajaan kaadi ay ku soo ururaan cayanaanka yaryari taas oo ah mid sida malabka oo kale u macaan( magaca xanuunku asal ahaan wuxuu ka yimi ereyo Giriig ah oo kala ah Mellitus “malab” iyo
Diabete s “kaadi badan”) , waxa magacan loogu bixiyay kaadida badan ee macaan ee dadku kaajayeen taas oo noqotay wax lala yaabay !
Dhammaan baadhitaanadaas la sameeyayna waxa ay soo bandigeen natiijo isku mid ah, kiis kasta oo yeesha kaadidan badan ee macaan waxa sii dheerayd in dhamaam dadka kaajaya kaadidan macaan uu miisaankoodu hoos u dhacay . Balse , imika waxaa loo fahmay si aan loo fahansanayn waagii hore , maxaa yeelay dhammaan arragtiyiihii hore waxay aaminsanayeen in cadka qofku uu kaadida ku milmayo taasina ay sababayso in kaadidu macaanaato oo miisaanka qofkuna uu hoos u dhaco.
Dhakhaatiirtii hore oo dhammi , waxa ay macaanka u aqoonsanayeen keliya macaanka nooca koowaad illaa la soo gaadhay qarnigii shanaad oo ay dhakhaatiir Hindiyaan ahi ogaadeen in uu u kala baxo laba nooc , mid ka mid ahi uu yahay mid la xidhiidha ama ku dhaca dadka da’da yar oo keena in miisaankoodu hoos u dhaco ( waa nooca ay dhakhaatiirtan dambe u yaqaanaan macaanka nooca koowaad) ka kalena waa mid la xidhiidha ama ku dhaca dadka waayweyn iyo kuwa misaanka jidhkoodu xooga u culus yahay ( waa nooca dhkhaatiirrta dambe ay u yaqaanaan macaanka nooca labaad ) .
Si kastaba ha ahaatee, labadan noocba waxa ay caan ku yihiin sonkor badan oo kaadida la socota, deddaal badan oo la geliey ka dibna waxa lagu aqoonsaday in sababta keenysaa ay tahay sonkorta , sidoo kale ay tahay mida keenaysa astaamaha ugu muuqan og sida kaadida badan IWM.
Haddaba, marka aynnu sidan leenahay waxa aynnu iska indho tirnay sababta labaad , oo waxa aynnu iska taagnay dhinac keli ah. Si lamid ah sidaas , dhibaatooyinkan dhacaya ee xanuunkan keenay qayb ayay ka tahay insuliin. Dhanka kale marka aynnu ka eego nooca koowaad iyo nooca labaad ee macaanku waxay wadaagaan astaanta ah in ay sonkortu badato, laakiin marka ay meesha insulin timaaddo waxay noqonayaan laba kal gedisan , maxaa yeelay noocaa koowwaad waxa sababa insulinta jidhka oo yaraata , halka nooca labaadna ay sababto iyada oo badataa. Insuliintaas badan ee aynnu sheegayno ayaa ah insuliin caabbiska, waxaynna xidhiidh la leedahay nooca labaad ee macaanka, isku soo wada duub oo labadoobu waxay wadaagaan sonkorta badan.
Dhakaatiirtii hore may haysanin qalabkan casriga ah ama aaladahan korontada ku shaqeeya ee loo adeegsado baadhitaanada maanta , sidaas awgeed waxa la fahmayaa in ay baadhitaan ku samayn jireen wixii la indho-indhayn karo uun . Si ka duwan sidaas, Illaa hadda waa maxay sababta isha loogu hayaa sonkorta?
Xitaa Cilmi-saynis ahaan , sonkorta waxaa weli loo cabbiri karaa si ka fudud sida insuliinta. Si aynnu u cabbirno sonkorta waxa aynnu keliya u baahan nahay hal findhicil oo aynnu gelino aaladda lagu cabciro sonkorta taas oo soo jirtey boqlkii sanno ee ugu dambeeyay. Balse , insuliinta in la cabbiraa aad ayay u adag tahay tiiyoo ay sabab u yihiin malikuyuullada ay ka samaysan tahay iyo qaabdhismeedkeeduba.
Baadhitaanba laguma samayn jirin insuliinta wixii taariikh-ahaan ka horeeyay 1950ka dabayaqadiisii, waxaynna u baahnayd qalab aad u xoogan oo ku shaqeeya falaaadho koronto iyo shucaac ( daahfurka qalabkan lagu cabbiro insuliinta waxaa sameeyay Dr. Rooslayn Yalow , oo ku qaatay abaalmarinta Nobel Prize ) . Wakhti xaadirkan aad ayuu baadhintaanka insuliin u fudud yahay , laakiin weli ma sahlana oo ma aha wax qiimahiisu aad u hooseeyo.
Inkasta oo aynnu cabbiri karno insiliin , haddana waa wax dhowaan soo bax ah , maxaa yeelay waxa aynnu ku fikiraynay uun in macaanku uu yahay xanuun ay sonkori keento , waxaana aynnu u samaysanay qalabyo lagu baadho kuwaas oo ku wada salaysan sonkorta oo keliya.
Haddii aad iimika furto khadka internate ka oo aad baadho maacanaaka iyo sonkorta , waxa kuu soo baxaya qoraallo badan oo lagu sheegayo in labada nooc ee macaankuba ay ka siman yihiin xaddiga sonkorta dhiiga ku jirta ( waa isku mid xaddi ahaan 126mg/dL – waxayna u muuqanaysaa mid layaab leh in la sheego kala duwanaanshahoodu . Sonkorta badan ayaa ah shayga keli ah ee ay wadaagaan labada nooc ; intaas wixii aan ahayn waa laba xanuun oo leh calaamaddo iyo xaaladdo aad u kala duwan.
Si lamid ah sidaas aynnu kor ku sheegnay, bal haddana isku day in aad interetka ka baadho ereyga insulin, waxaad heli doontaa xog badan oo ku saabsan dawoda insuliin , balse heli maysid qoraal keli ah oo kuu sheega xog caafimaad oo kuu bayaaminaysa sida ay insuliin u keento ama u sabato macaanka . Xitaa annigu ka xirfadle saynisyahan ahaan , kaas oo u ukuur gelayay xaalddan , waxa iga soo martay dhibaato aan yarayn in aan ogaado sida ay insulin iyo macaanku u wada xaajoodaan.
Dhammaan waxaas oo dhami waa kuwo xiiseo leh, laakiin waxa isweydiin leh sababta ay dad badan oo leh insuliin caabbisku u yihiin kuwo aan la ogaan karin ama xaaladdooda aan baadhitaan lagu xaqiijin karin . Intaas ka dib , haddii aynnu nooca labaad ee macaanka ku garan karno heerka sonkorta , maxaa inoo diiday in aynnu ku ogaano insulin caabbinta ( macaanka hortii). Hadal iyo dhammaan weynnu ku fashilanay in aynnu aqoonsano xaalddaas, maxaa yeelay isnuliin caabbintu ma aha xaalad leh sonkor badan oo lagu ogaan karo aalaaddaha sonkorta.
Haddii aynnu si kale u nidhaahno, qof baa lahaan kara insuliin caabbis haddana xaaladda sonkorta dhiigiisu ay iska ahaanaysaa intii caadiga ahayd . Maxay kula tahay maxaan sidiisii ahaaneynin marka insullin caabbisku jiro ? Waad malaysay – waa insuliin. Haddaba , haaddii aad tahay qof leh insuliin caabbis , waxa aad lahaan doontaa insluliin ka badan heerkii caadiga ahaa. Sidaa awgeed , dhibaatadu waxa ay noqonaysaa laba , sidii loo maarayn lahaa insuliintan xad dhaafka ah iyo sidii caafimaad ahaan loo cabbiri lahaa nsuliinta; ogow, maaha baadhintaan la isla yaqaanno oo dhakhaatiirta badankoodu ma codsadaan baadhitaan in lagu sameeyo heerka insuliinta.
Tani waa sababta aynnu u sooqadanayno kiis caafimaad oo uu qofku uu marba marka ka sii dambaysa sii noqonayo insuliin caabbis, laakiin xaaladdahan weli insuliintu way shaqaynaysaa (dhammaadka ayuu kiisku la socdaa), waxayna isku deyaysaa in ay sonkorta dhiigga ku soo dabbaasho intii caadiga ahayd. Sidoo kale, waxa ay soo jiitami kartaa sannado ama tobannaan sanno, laakiin waxa aynnu sida iska caadiga ah dhibka u arragnaa sonkorta, mana ogin in ay jirto duruuf kale oo keenaysa in insluun caabbis uu soo horumaro, waxaana suurto gal ah in aynnu sannado badan ka dib marka dhibku uu soo bilaamay, xanuunka ogaanno.
Waxa nasiib darro ah , in taariikhda iyo saynisku ay sabab u yihiin xaaladdan in la ogaan waayo ! Dhibka keliya ee aan illaa imika ku jaho-wareersanahay waaa sababta ay dad badan oo leh xaalddan insuliin caabisku u yihiin kuwo aan baadhis loo samaynin, waxaana xaaladdan aynnu ku eegnay il gurracan. Waxa suurto gal ah , haddii insuliin ay ahaan lahayd malikuyuul si fiican loo cabbiri karo , in aynaan labada nooc u qaadaneen wax isku dhow , waxaana aynnu aynnu isku deyi lahayn in aynnu baadi-goobno hab cabbiro lagu cabbiri karo insuliinta. Intaas waxa sii dheer , ma aha wax fajac leh in insuliintu ay tahay saadaaliye wanaagsan oo laga saadaalin karo macaanka nooca labaad iyada oo aan la eegaynin heerka sonkorta dhiiga, waana la sii saadaalin karaa illaa inta aygu badan tahay labataan sanno horteed.
Nuxur ahaan , inta aynnaan ka gudbin mawduucan, waxa muhuum ah in aynnu ogsoonaano labadana qodob ee hoos ku xusan:-
Midka koowaad, waxaad ogaataa in sida aynnu kor ku faahfaahinay insuliin caabsiku kordhiyo khatarta macaanka nooca labaad. Tani waa dhab, laakiin waxa lagama maar maan ah in la sameeyo xaqiijin dheeraad ah. Ogow in nooca labaad ee macaanku uu yahay insuliin caabbiska, maxaa yeelay macaanka nooca labaad waa insuliin caabbiska oo uu u gudbey wejigiisii labaad oo ah xaalad aanu jidhku awoodin in uu sonkorta ku soo dabaalo heerkii caadiga ahaa, maxaa yeelay sonkorta jidka ayaa le eg xilligan ama ka badan 126mg/dL.
Sidoo kale, waxa aynnu xaaladdan ogayn in ka badan boqol sannadood ; saynisyahan Jarmal Wilhelm Falta ayaa markii u horeysay fikraddan ikhtiraacay sannakii 1931kii . Si kale haddii aynnu u dhigno, mar kasta oo aad maqasho qof ka hadlaya xumaanta macaanka, waxaad u beddeli kartaa in qofku uu u jeeddo isnuliin caasbiska, waana ta ugu sax sanaanta badan.
Midka labaadna, waa in insuliin caabbisku yahay xaalad ay jirto insuliin badani, taas macanaheedu waa in qofka qaba insuliin caabbiska, ay insuliin badani dhiiggiisa ku jirto oo ay ka badan tahay intii caaddiga ahayd( qodobkani waa ka aynnu sida qotada dheer uga hadli doono saamaynihiisa taban , marka uu qofku xaaladdan ku sugnaado muddo dheer )
Waxa aad si fiican niyadda ugu sheegtaa, in marka ay insuliintu badato ama xaaladdan insuliinta badan aan looga jeeddin in iyadu tahay dillaa, laakiin waa waddo-kugu hagaysa xanuuno badan oo noloshaada khatar gelin kara .Tan waxa looga jeedda dadka xaaladdani soo waji-saartaa waxa ay la la kulmayaan dhibaatoyiin caafimaad oo is-biir-biirsaday, islamarkaana la arki karo, waxaaana lagula tacaali karaa tiiyoo la abbaarayo sababeeyahahooda koowaad ama dhaliyaha asalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, inusliin caabbisku waxa uu casuumaa xanuuno badan oo aad u khatar badan, weliba kuwaas oo gaar ahaan ah nooca xanuunada soo jiitama ee mudoda uu la noolaado qofku , waxaana ku jira ; xanuundada ama khalkhalka ku yimaadda madaxa, wadnaha , hab-dhiska dhiig wareega iyo xididdada , xubnaha taranka, iyo kuwo kale oo badan.
Keliya intan kuma koobna oo wuu kasii carqalad iyo dhibaato badan yahay. Badanaa dadka la nool insuliin caabbisku waxa ay u dhiman doonaan wadne xanuun ama xaaladdo kale oo la xidhiidha dhiig wareegga; kuwa kalena kalena waxa ku asiibbi doona in ay xusuustu ka guurto ama awooda dib u garahadu, kansarka naasaha ama xiniinyaha ku dhaca ama xanuunno kale oo tirrada ay doonaanba ha lahaadaane kuwaas oo ah kuwo aad aad u khatar badan.
In la fahmo sida ay insuliin caabbintu u keento xanuunnadan ayaa aad muhiim ugu ah in aynnu ka garowno sida ay nnsuliin muhiim ugu tahay caafimaadkeena. Taasina waa sababta aynnu qaybaha dambe ugu sahamin dooono sida ay insuliin uga dhex shaqayso jidhka iyo sida uu insuliin caabisku u sababo xaaladdaha kale. Ka gaashaamo – xaaladdan xun.
W/T: Khalid Curaagte
Author: Dr. Benjamin