Madaxa Laanta Sirdoonka Yuhuuda  ee Mossad oo Wadahadal La yeeshay Baxrayn

 

Madaxa sirdoonka Isra’iil Yossi Cohen ayaa wadahadalo la yeeshay laamaha sirdoonka ee dalka Baxrayn kadib markii labada wadan ay dhawaanahan xidhiidhkoodu caadi noqday warbaahinta dowlada Bahrain ayaa werisay sidaa shalay oo khamiis ah

 

Wakaaladda wararka ee Baxrayn (BNA) ayaa sheegtay in Cohen, agaasimaha Mossad  wakaaladda sirdoonka qaranka Israa’iil uu booqday Baxrayn Arbacadii si ay ugala hadlaan “mawduucyada danaha labada dal” iyo “iskaashiga labada dal”.

 

 

Diyaaradda Israel ayaa u duushay Baxrayn kadib heshiiskii caadiga ahaa

“Waxay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda  iyo doorka heshiisku uu ka ciyaari doono si weyn uga qayb qaadashada horumarinta xasiloonida iyo nabadda gobolka,” ayay ku warantay BNA

 

Heshiiskii caadiga ahaa ee Baxreyn waxaa lagu saxiixay Washington bishii hore isla waqtigaas oo la mid ahaa heshiiskii caadiga ahaa ee Israel iyo Imaaraadka.

 

Raiisel wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u safray caasimada Maraykanka isaga oo ka qayb galya  xaflada ay ku weheliyaan madaxada arimaha dibada ee labada dal ee khaliijka Baxrayn Iyo Imaaraatka carabta.

 

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar

Dhexnimo Media/Hargeisa

Cabdiraxmaan800@gmail.com