Abiya Ahmed Waa Axmaar Shaadh Oromo Xidhan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Hadal kama taagna inuu Raysal wasaaraha Itoobiyada wakhtigani uu ku shaqaynayo siyaasaddii guunka ahayd ee ay aaminsanayd qoomiyada ugu damaca badan dalka Itoobiya ee Axmaaradu. Marka la eego hadalladaasii intii uu xilka hayey wuxuu la safan yahay, lana dhacsan yahay fikirka Axmaarada ee ku salaysan inay liqaan dhammaan dadyowga ku dhaqan geeska afrika oo ay ugu horrayso Soomaalidu. Hadalkiisii ugu dambeeyey ee ku jiray khudbadii uu Barlamaanka u jeediyey waxa ku jiray hadal cad oo ku aroora siyaasaddii Axmaarada ee damaca badd-doonka Soomaalida. Waxaanu yidhi” waxaanu u baahanahay badd keliya, deked uma baahnin. Waxaanu u baahanahay badd aanu biyaheeda ummadayada uga dhigno biyo macaan.” Siyaasadii qoomiyada Axmaarada ee taariikhiyan ku fadhiday inay gar iyo gardarro ku helaan badd ayeynu waxoogaa ka soo qaadan doonaa si loo fahmo siyaasadda Raysal wasaare Abiya:

= Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay.

= “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?. Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters.  And there is not a Muslim country, as everyone knows”.

= Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’.  Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”.

= Inay qoomiyada Axmaaradu Saylac la wareegto  waxa ka warramay John Spencer oo la-taliye u ahaa boqor Xayle Salaasa waxaanu yidhi”. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii”. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika “Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa”.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 Calicoomay@gmail.com