Aabe wiilkiisa oo nool ku ridey wabiga Shabelle ee magaalada Jowhar
Nin lagu magacaabo Maxamed Dhaayow oo ka mid ah xoolo dhaqatad ku nool deegaan dhinaca bari ka xiga magaalada Jowhar illaa 2km ayaa xalay ku ridey wiil uu dhalay oo 20 sano jir ahaa wabiga Shabelle.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in aabaha dhalay wiilkan uu ka xirey labada lugood iyo labada gacmood kadibna ku dhex tuuray wabiga Shabelle xilli habeenimo ah.
Illaa iyo hadda lama hayo meydka wiilka lagu ridey wabiga hase yeeshee ciidamada booliska magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigey aabaha dhalay wiilka.
Sida shabakada warbaahinta jowhar.com uu sheegay mid kamid ah ehelada wiilka la diley ayaa sheegay in aabaha dhalay wiilka uu dhowr jeer qoyska ka xaday xoolo nool kadibna qashay oo hilibkoodii iibsaday.
Dhowaan ayaa waxaa deegaanka Maandheere oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar uu aabbe ku nool ku diley wiilkiisa.