50kii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Ingiriiska Oo La Shaaciyey – Midkee Sarreeya Gerrard, Lampard & Beckham?

Sir Bobby Charlton ayaa loo magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta Britain, waxaanu ku garaacay halyeygii kubadda xarragada ee Bobby Moore oo kaalinta labaad u degay.
Sir Bobby Charlton oo ay da’diisu tahay 82 jir, waxa uu ku suntan yahay taariikhda kooxdiisa iyo qarankiisa oo uu guulo waaweyn la gaadhay. Muddo 17 sannadood ah oo uu Man United u ciyaarayay, waxa uu ku guuleystay saddex horyaal, FA Cup iyo European Cup. Sidoo kale waxa kale oo uu gacanta ku dhigay waqtigii uu garoomada shidan jiray abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
Halyeygan Red Devils, waxa kale oo uu dalkiisa England u qaaday Koobka Adduunka sannadkii 1966kii isaga oo ahaa dhaliye, kubbad abuure iyo hoggaamiyahooda.
Advertisements
Laacibkan gaboobay ayaa muddo dheer ahaa ciyaartoyga ugu gool-dhalinta badan taariikhda kooxda Manchester United illaa uu Wayne Rooney ka jabinayay.
Jamaahiirta kubadda cagta Boqortooyada Britain ayaa afti laga qaaday waxay kusoo doorteen 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa waddankooda, waxaana kaalinta labaad soo cidhiidhsaday Bobby Moore, iyadoo uu halyeygii Liverpool ee Stefan Gerrard uu kaalinta saddexaad fadhiistay.
Halkan ka akhriso 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan taariikhda Britain ee ay jamaahiirtu soo xusheen:
Advertisements
50. Adam Lallana
49. Alex Scott
48. Harry Kane
47. Paul Gascoigne
46. Barry Venison
45. Sol Campbell
44. Neil Ruddock
43. Bob Paisley
42. Alun Evans
41. Matt Le Tissier
40. Alec Lindsay
39. Rob Jones
38. Alan Waddle
37. Arthur Goddard
36. Andy Cole
35. Albert Stubbins
34. Emile Heskey
33. Brian Hall
32. Jamie Redknapp
31. Bill Foulkes
30. Cliff Bastin
29. Chris Waddle
28. Alan Kennedy
27. Billy Wright
26. Gary Neville
25. Ashley Cole
24. John Terry
23. Bryan Robson
22. Peter Crouch
21. Steve McManaman
20. Geoff Hurst
19. Jamie Carragher
18. Dixie Dean
17. Rio Ferdinand
16. Peter Shilton
15. Tom Finney
14. Gary Lineker
13. Michael Owen
12. Jimmy Greaves
11. Kevin Keegan
10. Wayne Rooney
9. Paul Scholes
8. Stanley Matthews
7. Alan Shearer
6. Frank Lampard
5. Gordon Banks
4. David Beckham
3. Steven Gerrard
2. Bobby Moore
1. Bobby Charlton