Jacaylka Iyo Sayniska (XOGO CUSUB)

Jacaylka iyo sayniska:

Cuntada ayaa aynu ka go’naa, jidhkeennu waa uu daciifaa ama hurdo la’aan ayaa aynu furaashka ka durugnaa. Maalintiina maskax meel kale u foofsan ayaa aynu hawlaheenna ku dayacnaa. Waa dhibaatada uu jacaylka oo aynu qirsannahay in uu araggeena ka qariyo ceebaha ruuxa aynu caashaqnay. Laakiin in badan isma weydiinno jacaylku waa ina’ayo? Mana raadinno bal in ay jiraan qeexo iyo xogo cilmi ku salaysan oo ay culimada cilminafsiga iyo cilmiga dareen-wadayaashu ka sheegeen.

Waxa kale oo aynaan aad isugu lurin in aynu fahanno waxan innagu dhacaya marka uu jacayl ina haleelo iyo sida uu maskaxda saamaynta ugu yeelanayo.

Jacaylku waa dareen halxidhaale kakan noqday oo aanay culimadu weli awoodin in ay si dhammaystiran u furfuraan. Laakiin inta kooban ee illaa hadda ay xaqiijiyeen waxaa ka mid ah, in jacaylku uu firfircooni ku abuuro maskaxda qaybaheeda VTA loo yaqaanno oo masuuliyadaheeda waaweyn ay ka mid tahay abuurista dareenka abaalmarintu.

Nidaamka abaalmarinta ee maskaxdu waa dareenwadeyaal isutegey oo masuul ka ah dareenka dhiirrigelinta, ama innagu abuura jacaylka aynu u qabno in aynu abaal gudno. Dareennada kale ee ay qaybtani ka masuulka tahayna waxaa ka mid ah, barashada iskaashiga iyo dareennada togan gaar ahaan kuwa qofka ku abuura raaxada iyo qalbi qabowga.

Saynisyahannadu waxa ay baadhisaha ay sameeyeen ku ogaadeen in jacaylka labada jinsi uu dhiirrigeliyo shaqada maskaxda qaybaheeda qaabilsan dhiirrigelinta dareenka hooyonimada iyo guud ahaan jacaylka oo xitaa uu ku jiro jacaylka ay dadka qaar u qaadaan kubadda cagta iyo kooxaha ay ka taageeraan.

JACAYLKU WAXA UU U GALAA SIDA MAANDOORIYAHA

Sawirro kombiyuutar oo lagu sameeyey dad dareen caashaq qaba ayaa lagu ogaaday maskaxdooda qaybaha firfircoonaada marka ay xasuustaan cidda ay jecel yihiin ay yihiin isla qaybaha maskaxda ee firfircoonaada marka uu qofka daroogada isticmaalaa cuno maandooriyaha Kookaayiin. Tusaale ahaan jacaylku waxa uu sababaa in maskaxdu ay sii deyso xaddi inta dabiiciga ah ka badan oo ah maadadda Dopamine. Waa maaddo kiimikaad oo sabab u ah dareenka wanaagsan ee maskaxdu dareento, marka uu maskaxda ku batana waxa uu sabab u noqdaa farxad dheeraad ah oo uu qofku dareemo. Haddaba sidaas oo kale, marka uu jacaylku bilowga hore yahay waxaa kor u kaca heerka hormoonka Cortisol oo sabab u noqda in garaaca wadnuhu kordho, in qofka uu ku beermo sakati iyo walaac daran oo aan sabab cad lahayn, iyo in baabacooyinku dhididaan, arrimahaas oo dhammaantood ah calaamado lagu arko qofka uu jacaylku ku cusub yahay.

Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlaa jacauylka, aragtiyo sheekabaraley u badanna waa laga aaminsan yahay, maadaama oo aan weli si cilmiya oo la isku waafaqsan yahay natiijooyin looga gaadhay.

JACAYLKU MIYUU DHIIRRIGELIYAA XIDHIIDHKA JINSIGA AH?

Dad badan ayaa ku andacooda in jacayl lammaanaha dhex maraa uu qasab ka dhigayo xidhiidh jinsi oo ka dhex dhaca. Qaarkoodna waxa ay ku qaldamaan ereyga afka Ingiriisiga ee ‘Love’ oo macnayaashiisa uu ka mid yahay xidhiidhka jinsiga ahi. Laakiin waa aragti shacbi ah oo aan lahayn xujo aqooneed oo xeeldheereyaashu ay ogaadeen.

Warbixin caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda ‘The Conversation’ oo dalka Ustareeliya laga leeyahay, ayaa sheegaysa in ‘Dad badani ay aaminsan yihiin in jacaylku uu xoojiyo isla markaana kordhiyo heerka hormoon kiimikaad oo lagu magacaabo pheromone, kaas oo masuul ka ah isu soo jiitanka iyo is xiisaynta jinsiga ah ee aadamaha, sida ay ku andacoonayaan. Waxa ay dadkani ku doodayaan marka uu jacayl dhex maro lammaahana in uu hormoonkaasi dhiirrigeliyo in uu labada qof xidhiidh jinsi dhex maro. Laakiin sida warbixintaas caafimaad daaha ka rogtay ma jirto caddayn cilmiya oo xoojinaysa aaminsanaantaas’.

Hormoonka ‘Pheromone’ waa isku dhis kiimikaad oo ah sababta ugu weyn ee dhiirrigelisa xidhiidhka jinsiga ah ee xasharaadka. Waxa aanay saynisyahannadu ku naanaysaan ‘Isu soo jiidaha jinsiga’. Laakiin saynisyahannadu waxa ay ku doodayaan in aanay jirin wax caddayn cilmiya ah oo sheegaysaba in hormoonka ‘Pheromone’ uu ku jiro jidhka aadamaha. Sidaas awgeed cilmi ahaan lama caddayn karo in xiidhiidhka jacaylku uu abuuro xiise jinsi oo lammaanaha isu soo jiida.

HORMOONKA JACAYLKA

Hormoonka ‘Oxytocin’ waa dareen-wade kaalin aad u muhiim ah ka qaata xidhiidhka kalgacal ee hooyada iyo ilmaheeda, waxa kale oo shaqooyinkiisa ka mid ah in uu ururin ku sameeyo makaanka marka ay hooyadu foolanayso si uu ilmuhu u soo baxo, iyo marka ay naaska nuujinayso si uu dib ugu xidhmo makaanku. Haddaba hormoonkan ayaa ay dad badani jecel yihiin in ay ku naanaysaan ‘Hormoonka Jacaylka’ waxaana la aaminsan yahay in uu kaalin ku leeyahay xidhiidhada kalgacal ee dhex maraya ninka iyo gabadha.

Cilmibaadhis lagu sameeyey raadaynta uu hormoonkani ku leeyahay qaar ka mid ah xayawaannada uu jiirku ka mid yahay oo iyaguna leh waxaa cilmibaadhayaasha u soo baxday mar kasta oo uu hormoonka ‘Oxytocin’ ku bato jidhka, in ay hoos u dhacdo doonista jinsiga ah ee xayawaannadani. Waxa kale oo ay saynisyahannadu xaqiijiyeen in hormoonkani aanu aasaasi u ahayn isu soo dhowaanta iyo is xiisaynta ragga iyo dumarka, sidaas awgeed aan lagu naanaysi Karin hormoonka Jacaylka. Sida oo kalana aan hormoonkan daraadii jacaylka loogu tilmaami Karin in uu dhiirrgeliyo xidhiidh jinsi oo lammaanaha is jecel dhex mara.

Jacaylka iyo sayniska:

Saynisyahannada cilmibaadhisaha ku sameeyey Jacaylku weli ma’ay awoodin in ay gartaan maadadda kiimikaad ee loo aqoonsan karo in ay masuul ka tahay dareenka ‘Jacayl’. Waxa aanay si weyn isugu khilaafeen ama cilmi ahaan marar kala duwan buriyeen guud ahaanba hormoonnada kala duwan ee mararka qaarkood lagu doodo in ay jacaylka sabab u yihiin ama in uu jacaylku dhiirrigeliyo. Sida hormoonka Hormoonka ‘Oxytocin’ oo laguba naanayso ‘Hormoonka Jacaylka’.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa hubaal ah in ay jirto maaddo iyo hormoonno uun dareenka jacaylka si toos ah ama si dadban u khusaysa; haddii ay tahay maaddada maskaxda u diraysa ishaarooyin kiimikaad ee jacaylka abuura iyo haddii ay habab kale farriinta ku gudbinaysaba. Sida oo kale waa lagama maarmaan ah in ay jirto maaddo dhambaal u diraysa qaybo maskaxda ka mid ah oo kaddibna sabab u ah dareenka jacaylka.

Marka la eego xogaha kala dhiman ee illaa hadda laga hayo xaqiiqada cilmiga ah ee jacaylku waxa uu jidhka qofka ku sameeyo, waxaa inoo soo baxaysa in cilmiga neerfuhu aanu weli awoodin in uu garto xaqiiqada dareenkan dhammaanteen aynu jecelnahay kuwo badan oo innaga mid ahina ay dhibaatada ka sheegtaan ee jacaylka.

W/D: Kamaal Marjaan

Facebook: Marjaan Media

Youtube: Marjaantube