SHANTA MASAAJID EE DUNIDA UGU QURUXDA BADAN.

Shanta Masaajid ee dunida ugu quruxda badan Magacdooda iyo Wadamada ay ku kala yaalaan ayaan halkan kusoo bandhigeynaa.

1) Masaajidka Sheikh Zayed Grand.

Sheikh Zayed, Waa Masaajidka koobad ee dunida ugu quruxda badan, Sidoo kale Masaajidka ugu Barxada wayn dunida, wuxuuna Masaajida Sheikh Zayed Grand ku yaala Magalada Abu-dhabi ee Caasimada Iskutaga Imaaraadka Carabta.

2) Masaajidka Putra.

Putra, waa Masaajidka labaad ee dunida ugu qurxoon, ahna kan koobaad ee Malaysia ugu Quruxda badan, Purta wuxuu ku yaala Magalada Putrajaya ee Wadanka Malaysia.

3) Masaajidka Hagia Sophia.

Hagio Sophia, waa Masaajidka sedexad ee ugu qurxoon dunida ahna kan koobaad ee ugu quruxda badan Wadanka Turkiga, wuxuu ku yaala magalada Istanbul.

Masaajidkani wuxuu qarnigi lixaad ahaanayay kaniisadii Orthodox-ka, balse dowladii Cusmaaniyiinta markii ay Furteen Magalada Istanbul oo xiligasi la odhan jirey qustuntunia/Qustandiiniya ayay ubadileen Masaajid.

Hase Ahaate hada laguma cibaadeysto Masaajidka Hagio Sophia kadib markii Madaxweynihii ugu horeeyay Turkiga Mustafa Kemal Atatürk Go’aansaday Sanadkii 1935-dii inuu ubadiley Madxaf.

4) Masaajidka Sultan Qaboos Grand.

Sultan Qaboos Grand, waa masaajidka afraad ee ugu qurxoon dunida ahna kan koobaad ee ugu wayn ugu quruxda badan Saldanada Cumaan, wuxuu ku yaala Caasimada Saldanada Cumaan ee magalada Musrat.

Sidoo kale Masaajidka Sultan Qaboos Grand, waa mid ka mid meelaha ugu wayn ee loo dalxiis tago Wadankaasi Saldanada Cumaan.

5) Masaajirka Tuanku Mizan Zainal Abidin.

Tuanku Mizan Zainal Abidin: waa masaajidka Shanaad ugu qurxoon dunida ahna kan labaad ee ugu quruxda badan Wadanka Malaysia.

Masaajidka Tuanku Mizan Zainal Abidin waxaa sidoo kale loo yaqaano Masaajidkii birta, maxaa yeelay wuxuu 70% ka sameysan yahay bir, wuxuuna ku yaala Magalada Putrajaya Ee Malaysia.

FG: 10-ka Masaajid ee dunida ugu Quruxda badan ayaan ka dhigi lahayn laakin Qoraalka dheeraanaya inta hadhayna waan soo qoreynaa, Waana Ramadaan wayna wanaagsan tahay inaad khayrka faafisid.

W/Q Shardiid Macalin.

Image may contain: outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: sky, outdoor and water
Image may contain: sky, cloud, tree and outdoor
Image may contain: sky and outdoor