Waa qaybtii labaad ee qormo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera, oo ka warramaysa faa’iidooyinka uu socodku u leeyahay caafimaadka maskaxda iyo jidhka labadaba.
Hurdo fiican
Waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in qofka oo hurdo fiican helaa ay ka mid tahay arrimaha kor u qaada caafimaad wanaagga. Waxaa la aaminsan yahay saacadaha ugu fiican ee ay tahay in uu qofku seexdaa in ay yihiin siddeed saacadood, sida oo kalana hurdada u uqofku seexdaa ay u kala faa’iido badan tahay sida ay u kala taya badan tahay. Si uu qofku u seexdo hurdo tayo badan wax yaabaha sida fiican uga caawin karana uu ka mid yahay socodka, gaar ahaan noociisa tallaabo dheerayska ah.
Deggenaanshiyo
Nolosha casrigan ka jirta adduunyada ayaa aalaaba kallifta in qofku uu si joogto ah ula kulmo duruufo iyo dhacdoyin ku abuura diiqad iyo culays nafadeed oo joogto ah. Taas oo raad xun ku yeelata caafimaadka maskaxda iyo jidhka labadaba. Socodku waxa uu ka mid yahay hababka la xaqiijiyey in sida ugu dhaqsiiyaha iyo waxtarka badan loogu dejin karo qulubka, iyo dareennada nafsiga ah ee warwarku ka mid yahay.
Jimciyadda daweynta iyo daraasaynta warwarka iyo isku buuqa ee dalka Maraykanka ayaa sheegaysa in socod fudud oo 10 daqiiqo oo keliya ahi uu caafimaadka nafsiga ah ku leeyahay saamayn la mid ah, ta ay naftu ka heli lahayd jimicsi 45 daqiiqo ah.
Socodku waxa uu jidhka ka saaraa hormoonka Cortisol loo yaqaanno oo haddii uu jidhka ku bato sababa diiqad iyo daal nafsi ah.
Wanaajinta caafimaadka maskaxda
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in socodku uu u fiican yahay caafimaadka maskaxda. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda New Mexico highlands ayaa iyaguna baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in socodku uu kordhiyo burqashada dhiigga gaadhaya maskaxda, taas oo ah faa’iido weyn oo caafimaadka jidhka iyo maskaxduba si isku mid ah.
Sida oo kael socodku waxa uu ka ilaaliyaa maskaxda khatarta ah in ay ku dhacaan xanuunnada dhaawaca gaadhsiiya garaashada iyo maskaxda oo ay ka mid yihiin Alzheimer ka iyo noocyo kale oo asaasaqa maskaxda keena.
Kaar jebin
Socodku waxa uu uu si weyn u caawiyaa yaraynta xanuunka iyo kaarka badan, gaar ahaan dhabarka qaybtiisa hoose. Waxa kale oo uu qofka ka caawiyaa in uu la noolaan karo xaaladdaas dhabar xanuunka ah.
Xoojinta lafaha
Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in socodku uu xoojiyo lafaha, waxaana la ogyahay in xanuunka lafa burburku aanu ku dhicin lafuhu marka ay awoodda leeyahay, isla markaana ay ka nabadgalaan dhammaan dhibaatooyinka lafaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin jabniinka, naafo nimada iwm. Habka ugu fiican ee uu qofku lafo awood badan oo caafimaad qabo ku heli karo, ayaa ay khuabrada caafimaadku sheegeen in ay tahay in uu sameeyo socod, ama orod.
Daladda caafimaadka lafaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay qofka oo socodka wada muddo ka badan 6 bilood, ay hubaal tahay in uu helo raad togan oo caafimaad, kaas oo ay ugu horreyso in ay lafihiisu xoogaystaan.
Aragga ayuu xoojiyaa
Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majalad ka faalloota cilmina neerfaha, ayaa lagu ogaaday dadka sida joogtada ah ugu jimicsada hawo furani, in uu xoogaysto araggoodu.
Saaxiibbada oo waqti fiican lala qaato
Socodku waxa uu ka mid yahay jimicsiyada ku fiican in wadar lagu sameeyo. Waxa ay khubaradu sheegeen in ay fiican tahay in qofku uu marmarka qaarkood kelidii socdo si uu u helo fursad uu maskaxda kaga faaruqin karo hammiga.
Maadaama oo uu socodku ka mid yahay jimicsiyada wadarta lagu sameeyo waxa ay khubarada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in uu kor u qaado galaanka uu qofku bulshada u helayo iyo sheeko wadaagga oo ka mid ah arrimaha qofka ka dejiya culaysyada nafsiga. Sidaas awgeeed socodku waa jimicsi nafta ka dejinaya korna u qaadaya bulshaawinimada qofka.
Miisaan dhimis
Socodku waxa uu jidhka ka gubaa kalooriyada oo haddii aanu jidhku iska saarin dhiirrigeliya korodhka miisaanka.
Dawo bilaa lacag ah
Jimcsiga guud ahaan iyo gaar ahaan socodka waxa ay khubaradu ku tilmaamaan in uu yahay dawo mucjiso ah.
Sababta ay magacaas ugu doorbideenna waa awoodda uu socodku u leeyahay in uu qofka ka ilaaliyo khatarta xanuunnada lala noolaado ee ay ka mid yihiin, wadne xanuunka, dhiigfuranka maskaxda ama dhiigga oo ka xidhma, macaanka noociisa labaad iyo noocyo ka mid ah kansarka.
Macnuhu ma’aha in uu socodku dawo ka yahay xaaladahan aynu soo xusnay balse waa in qofka uu u noqon karo ka hortag. Dhammaad

Xigasho Geeska